
Ku bilow safarkaaga khibrad nololeed oo cusub
Soo deji heshiiska boos celinta
Ku saabsan HomeSight
HomeSight, oo ah shirkad horumarineed oo beesha ah oo leh ku dhawaad 30 sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa hogaaminaysa horumarka Othello Square, oo ah xarun soo dhawayneed oo ku taal wadnaha xaafadda Othello. HomeSight waxa ay abuuraysay bulshooyin la deggan yahay oo la awoodi karo ilaa 1991. HomeSight waxa ay bixisay la-talin-iibsadaha iyo barnaamijyada caawinta ee qoysaska aan la tirin karin, iyo sidoo kale horumarinta guriyeynta iibsadayaasha markii ugu horreysay Bartamaha iyo Koonfur-bari Seattle. HomeSight waxa ay weli ka go'an tahay horumarinta sinnaanta bulshada iyo dhaqaalaha, ilaalinta iyo horumarinta bulshooyinka dhaqaala ahaan iyo dhaqan ahaan kala duwan iyo siinta fursadaha kuwa u nugul in laga qiimeeyo deegaankooda.
HomeSight waxa ay hawl galisay in ka badan 10,000 oo guri lahaansho sodonkii sano ee la soo dhaafay taaso keentay 3,500 mulkiilayaal guri markii ugu horaysay iyo horumarinta 462 unug lahaanshaha la awoodi karo oo ku yaala gobolka Pacific Northwest.
Faa'iidada si toos ah ayaa dib loogu soo celiyaa bulshada, iyadoo xoogga la saarayo ka go'naanta ururka ee macaamiisheeda iyo deegaankooda. Mashaariicda horumarinta bulshadayadu waxay dib u soo nooleeyeen xaafadaha iyo degmooyinka ganacsiga, taas oo ka soo saartey faa'iidooyin dhaqaale oo ka badan $200 milyan bulshooyinka deegaanka.

